Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH: Mucaaradka Deni Oo Soo Saaray Jadwal Doorasho Cusub Iyo Xiisada Oo……

Dallada Mucaaridka Puntland ayaa goordhow ku dhawaaqday jadwalka doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada Puntland.

War-saxaafadeed ay soo saareen kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garowe ayey ku sheegeen doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay qabanayaan 8-da bisha January ee sanadka cusub 2024.

Sida ku xusan qoraalkooda, 31-da bisha December waxaa la shaacinayaa liiska xildhibaanada cusub, 1-da January waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo beegmeyso xili Xeerka Doorashooyinka Puntland loo qeybiyey golaha Wakiilada Puntland, waxaana xeerkan soo gudbisay Golaha wasiiradda.

WARARKA