Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Mamulka Puntland oo eedeyn culus u jeedisay VILLA SOMALIA

Talaado November 14, 2023 {HMC} Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Villa Soomaaliya ku eedeeyay inay duullaan kusoo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa eedeyntan u jeediyay Villa Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ka shaqeynayso bur-burinta jiritaanka maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in Villa Soomaaliya ay adeegsaneyso shaqsoyaad dano gaar leh, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda madaxweyne Deni, kuwaasi oo maanta soo saaray jadwal doorasho.

“Waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalka Soomaaliya ka shaqaynayso in Puntland bur-burto,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaas way socotaa (hanaanka doorashada qof iyo cod) gobollada Puntland oo dhan bay ka socotaa hadda oo dowladda federaalka isku dayaysaa in ay fara-geliso oo khalkhal iyo amni-xumo abuurto”.

Wasiir ayaa sidoo kale waxa uu Xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto deegaannada Puntland ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin qorshaha Villa Soomaaliya duullaan kusoo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

”Dowladda federaalka waxay gacan siinaysa dad khal-khal iyo xasilooni-darro ka buuraya gudaha, si ay u burburiso nabadda iyo jiriraanka dowladnimada Puntland,” ayuu sidoo kale yiri wasiirka.

Maamulka Puntland ayaa waxaa xilligaan ka taagan xiisad xooggan oo salka ku haysa khilaafka arrimaha doorashooyinka, iyada oo mucaaradka ku dhowaaqeen doorasho ku qabsoomeysa waqtigeeda, halka maamulka uu sheegay in dhamaan ay u diyaarsan yihiin farsamooyinkii lagu qaban lahaa doorashada qof iyo cod.

WARARKA