Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Guriceel oo Lagu soo Bandhigay Nin Dilay Askari ka Tirsan CXDS

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC} Guriceel: Goob fagaare ah ayaa lagu soo bandhigay saacado kahor Cabdisalaan Cali Axmed oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdulaahi Cali Hudey oo ahaa walaalka taliyaha Booliiska degmadaasi oo la diley tobankii bishaan.

Hay’addaha amaanka ayaa ninkan ku eedaysan dilka xalay gacanta kusoo dhigay xilli uu isku dayay inuu baxsado, waxaana soo qabashadiisu qaadatey dhowr maalmood oo lagu raad joogey kadib.

fagaaraha bandhigan waxaa ku sugan Maamulka degmada’ Odayaasha dhaqanka’ Saraakiil’ Bahada saxaafadda iyo qeybaha ka duwan bulshada waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan maxkamad uu kasoo muuqdo Cabdisalaan Cali Axmed.

WARARKA