Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirad ka hor timid dibed baxyada lagu taageerayo Falastiin oo shaqada laga eryey

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa shaqada laga eryay, iyadoo Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak uu isku shaandheyn ku sameyn doono golihiisa wasiirada

Ms. Braverman ayaa dhowaan waxay ku eedaysay booliiska London inay ay dhinac la safteen” marka la eego sidii ay u maareeyeen dadkii taageersanaa Falastiniyiinta ee dibadbax ka dhigay London.

Wasiiradan ayaa dooneysay joojinta mudaharaadyada lagu taageerayay falastiiniyiinta, xillia ay wali socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan marinka Qasa

Mudaharaadkaas oo Laba maalmood ka hor, London lagu qabtay wuxuu ahaa dibadbaxii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta ee ka dhaca caalamka.

Wasiiraddan shaqada laga eryey ayaa marar badan waxay ku baaqday in xakameeyo dadka soo galootiga ah ee dalka Ingiriiska, taas oo dad badan ku dhaliileen arrintaas.

WARARKA