Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo Qasa ku tilmaamtay “qabuuraha carruurta”

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Muddo bil ah ayaa maanta ka soo wareegatay markii ururka Xamaas ay weerar ku qaadeen Israel, 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres, ayaa ka digay in Qasa ay noqotay ‘qabuuraha carruurta’, iyadoo Israel ay weli waddo duqeymaha ay ka geysaneyso Qasa.

Waxaa uu sidookale sheegay, in dhibaato bini’adantinimo ay ka taagantahay Qasa.

Goor sii horreysay ayaa danjiraha faransiiska ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku baaqay heshiis bani’aadminimo oo ka dhaca Qasa.

Saffiirka, Nicolas De Riviere, wuxuu sheegay in taasi ay horseedi doonto xababd joojin. Laakin saaxiibada faransiiska, maraykanka iyo UK waxay sheegeen in xabbad joojinta ay faa’iido u leedahay xamas oo kaliya.

WARARKA