Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Soo saaray Digniin Fatahaada uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Talado, November-7- 2023-{HMC} Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ayaa soo saaray Digniino la xariiro qatarta fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeellle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow ayaa dadka ku nool gobolka Hiiraan ugu baaqay in la muujiyo taxadir dheeraad ah.

Gudoomiye Sufuroow ayaa si gaar ah ugu digay dadka dagan Hareeraha wabiga Shabeelle iyo meelaha biyo mareenada ah, kuwaas oo ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu baxaan xiligan.

Sidoo Kale Gudoomiye Cabdullaahi Sufuroow ayaa sheegay in dadka ku nool Xaafada Magaalada Baladweyne intooda badan ay ka barakaceeyn saameeynta roobka, iyada oo aanan la gaarin fatahaada Wabiga Shabeelle.

Maamulka ayuu sheegay in uu diyaariyay Gaadiid iyo Ciidamo lagu daabulo dadka Magaalada ku haray , hadii fatahaado ay dhacaan. Ugu dambeeyn waxaa ay sheegay in xiligan ay jirto Qatar aad uxoogan.

Boqolaal qoys ayaa 48 saac ee ugu dambeeyay iskaga barakacay xaafadaha Magaalada Baladweyne , Cabsi ka qabaan fatahaada wabiga shabeelle, dadkan ayaa intooda badan dagay deegaanka ceeljaale ee duleedka Magaalada.

WARARKA