Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Soomalia oo maanta gargaar geyneysa Gobolka Gedo.

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA loosoo gaabiyo ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay gargaar gaarsiineysaa Dadka ku dhibaateysan Gobolka Gedo ee saameynta taban ku reebay Daadadka Roobka Dayrta & Fatahaadda Webiga.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in gargaarkaan uu yahay mid hordhac ah oo si kaalmadaan ay u noqoto mid yareysa xaaladaha halista ah ee ka jira deegaannada fatahaaddu ka dhacday.

Xubno katirsan Maamulka Gobolka Gedo ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadka ka barakacay Degmooyinka Luuq iyo Baardheere aanay heysan Hoy ay degeen & cunno iyada oo ay usii dheer tahay in weli roobka uu da’ayo.

Waxa ay Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Jubbaland ka dalbadeen in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo qoysaskaan si looga hortago dhibaatooyin kale ay sababi karaan cunno la’aanta, Biyo aan nadiif ahayn oo ay cabbaan ama xannuuno kale oo ay ka qaadaaan fatahaadda.

WARARKA