Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Jubbaland oo gaaray Magaalada Jigjiga

Isniin, November-6- 2023-{HMC} Madaxweyne ku xigeen Galmudug Ali Dahir Eid iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa garay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deeganka Somalida Itobiya.

 

Wafdigaan waxaa si diiran ugu so dhaweyay Caasimada Jigjiga Masuliyiinta Dowlad deeganka Soomalida.

 

Madaxweyne kuxigeenka iyo Wafdigiisa waxaa ay Magaalada Jigjiga uga qayb galayaan Shirka Amniga Xuduuddaha ee Dariswanaag, sido kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qadan doona Masuliyiinta ugu saraysa Dowlad Deeganka Somalida.

 

Shirka Amniga ee Dariswanaag ayaa waxa sido kale ka qayb galaya Masuliyiin ka socota Dowlad Goboleedla Jubbaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan Masuliyiin kale.

WARARKA