Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Shir Gudoomiyay Kulan Amaanka iyo Fatahaadaha Looga Hadlayay.

Axad, November, 5, 2023 (HMC) – Shirkan oo ahaa Mid Looga hadlayay xaalada Amaan ee Gobolka Hiiraan ayaa manta waxaa uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. Shirkan waxaa ka qeeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow, Gudoomiye ku xigeenka Maaliyada Gobolka, Taliyaha Saldhiga Magaalada, Gudoomiyaha degmada Baladweyne, Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Hiiraan iyo Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidamada Amaanka ayaa Shirka looga dhageeystay xaaladaha Amaan ee Magaalada labadii todobaad ee ugu dambeeyay, Si gaar ah Saraakiisha Booliska iyo Nabad-sugida ayaa faah faahiyay Culeeysada jiro iyo waxa u qabsoomay.
Sidoo kale waxaa Shirka looga hadlay xaaladaha Fatahaada wabiga Shabeelle oo Qatar badan xiligan ay ka jirto iyo sidii loo samata bixin lahaa Bulshada ku nool Magaalada, hadii ay fatahaadaha dhacaan.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa masuuliyiinta Maamulka iyo Saraakiisha ugu baaqay in wax laga badalo xaalada Amaan ee Magaalada Baladweyne.
Gudoomiyaha ayaa Sidoo kale dadka ugu digay Qatarta biyaha fatahaada wabiga Shabeelle, si gaar ah dadka dagan Hareeraha wabiga Shabeelle. Madaama Cabsi badan ay jirto..

WARARKA