Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

António Guterres oo weeraro shalay ka dhacay Gaza ku Tilmaamay kuwo qalbi jab leh

Sabti, November -4- 2023-{HMC}  Isreal ayaa wali sii wada tacadiyada ay ka geesanayaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, xilli ay tacadiyadaasi ay inta badan iska fiirsanayaan indhahana ka xirteen waddamada reer Galbeedka ee ku qaraaban jiray ilaalinta xaquuqda aadanaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si weyn uga argagaxay duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka Isreal la beegsadeen gaadiidka ambalaasta oo dhaawacyo ka qaaday isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza.

“Sawirada maydadka oo daadsan dariiqa ku hor-yaala cisbitaalka waa kuwo qalbi jab leh, waxa ka dhacaya magaalada Gaza ma ahan wax indhaha u roon, dagaalka u dhaxeeya Isreal iyo Xamaas waa in la joojiyaa ” ayuu yiri Guterres.

Isreal ayaa shalay oo Jimco aheyd duqeysay kolonyo gaadiidka ambalaasta ah, kuwaa oo waday dhaawacyo la doonayay in lagu soo daweeyo dalka Masar, waxaana weerarkaasi ku dhintay 15-qof ay ku jiraan dad horey dhaawacyo culus u qabay.

WARARKA