Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW Xamsa Cabdi Barre Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen Culimada Somaliyeed

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo ah mid lagu difaacayo diinta.

“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka”.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka, ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

WARARKA