Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Puntland oo caddeeyay mowqifkooda, kadib go’aannadii Isimada

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Taliska ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ee Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka Puntland.

Taliska ayaa ugu horreyan soo dhaweeyay go’aannadii ay soo saareen Isimada Dhaqanka oo ku taliyay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, lana soo xulo 66-da xildhibaan, ayaga oo sheegay in aan laga gaarin doorasho qof iyo cod ah lagana rabo maamulka cusub.

“Taliska ciidanka kumaandooska Danab Puntland wuxuu soo dhaweynayaa go’aannada kasoo baxay shirkii Isimada Dhaqanka uga socday caasimada Garoowe, kuwaas oo ay u arkeen inay yihiin xalka kaliya ee looga baaqsan karo amni darro iyo fowdo ka dhacda dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray hoggaanka ciidanka Danab Puntland.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray inuu aqbalay go’aannada ay qaateen Isimadu, ayna u arkaan xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisadda ka taagan Puntland.

“Waxaan bulshada reer Puntland iyo daneeyeyaasha siyaasadda gobolka u caddeyneynaa inaan aqbalnay go’aannada Isimada, ayna yihiin Guddoon Isimo” ayaa lasii raaciyay.Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri ” Isimadu waxaa marjaca udub dhexaadka u ah dhismaha, nabadda, degenaanta iyo Ummadda reer Puntland.

Ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka, waxayna ugu baaqeen inay taageeraan bayaanka kasoo baxay Isimadooda.

Ugu dmabeyn wuxuu talisku ka digay in Puntland la geliyo firaaq dastuuri ah, taas oo uu sheegay inay ka dhalan karto amni darro, fowdo iyo qalalaase siyaasadeed.

Waxaan uga digeynaa inay ka tanaasulaan cid kasta oo ku howlan sidii dalka loo gelin lahaa firaaq dastuuri ah, taas oo keeni karto qalalaase siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidanka Danab.

WARARKA