Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Booliska oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in goordhaweyd ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo ay wadeen dagaalamaayal ka tirsan AL-Shabaab, kuwasi oo sida ay sheegeen si gaar ah u beegsan rabay Rugta Codka Cali Siyaad ee Ciidamada Boliis Milatari ee waaxda kurdamac Deg/Deyniile.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu yiri “abaaro 11:30 Barqanimo ayay Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Fashiliyeen Qarax Miino oo ay ALshababaab ku dhex diyaariyeen weelka Kululaysada loo yaqaan, Kaas oo ay soo dhigeen Rugta Codka Cali Siyaad ee Ciidamada Boliis Milatari ee waaxda kurdamac Deg/Deyniile”

Qaraalka kasoo baxay Booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaybta Miinooyinka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee MBB-yada, oo goobta gaaray ayaa fashiliyeen Qaraxaasi la damacsanaa Shacabka & Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay Miinadaas, sida ay sheegeen Booliska Soomaaliya.

WARARKA