Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xamaas oo Dagaal ku leysay Ciidamo ka tirsan kuwa Khaaska ah ee Maraykanka.

Sabti, October -28- 2023-{HMC} Sida laga soo xigtay website ka faalooda arimaha ciidamada, ciidamada qaaska ahaa ee Maraykanka ee laga dajiyay Israel ayaa u jeedka loo geeyay halkaas yahay inay cirib tiraan dagaalyahanada ururka Xamaas iyaga oo garab siinaya ciidamada difaaca ee Israa’iil.

Korneyl hawlgab noqday oo ka tirsanaan jiray ciidamada Maraykanka ayaa wareysi laga sii daayay talafishinka ku sheegay in “Ciidamada isku dhafan ee maraykanka iyo israa’iil ee aaday Gaza si ay ula diriraan Xamaas una soo daayaan maxaabiista, ayaan ogaaday in ay la kulmeen dhimasho badan.

Warkaan ayaa ku soo aadaya kadib markii uu sare u kacay joogitaanka ciidamada Maraykanka gudaha Israa’iil iyo kuw aloo daabulay inay hawlgalada ka qayb galaan oo la aaminsan yahay in ay si wayn ugu lug leeyihiin dagaalada socda.

Ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa leh qibrad balaaran oo ah dagaalada lagu galo magaalooyinka balse hawlgalka ay ka wadaan Gaza ayaan ahayn mid sahlanaan doona.

WARARKA