Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Duqa Magaalada Muqdisho oo dhagax-dhigay Xarunta Howlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha

Sabti, October -28- 2023-{HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa dhagax dhigay xarunta Hawlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Maareeyaha Machadka Caafimaadka Soomaaliya.

Xaruntaan ayaa ka qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo in ay bulshada helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo munaasabadda dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntan la dhisayo loogu tala galay in ay adeegyada caafimaadka ee Degdega u qabato dadweynaha kunool caasimadda Muqdisho.

WARARKA