Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Go’aamo kasoo baxay Shirkii Maanta ee Golaha Wasiirada Xukuumadda

Khamiis , October -26- 2023-{HMC}  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu soo Bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Intaas kadib golaha ayaa go’aamiyay in bishaarkooda oo dhan loo jaro ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada dalka, sida uu shaaciyay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyay shirka golaha.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkooda ku ansixiyay warbixinya sanad maaliyadeedka 2022, taas oo ahmiyad u leh dalka iyo nidaamka guud ee dhaqaalaha.

WARARKA