Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Guddiga doorashada Puntland oo ku dhawaaqay wakhtiga ay dhaceyso doorashada lagu muransan yahay

Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay in doorashada hoggaanka ee maamul goboleedka ee soo socota in la qaban doono 25-ka Bisha Febraayo 2024-ka.

Guddiga ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay noqon doonana kuwo toos ah, isla markaana ay isku mar dhici doonaan doorashooyinka madaxtinnimada ee maamulka iyo kuwa baarlamaanka heer maamul goboleed.

Doorashooyinka madaxtinnimada Puntland ayaa hadda ka hor waxaa soo dooran jiray Aqalka Baarlamaanka oo lagu soo xulo habka beelaha, waxaana lagu waday in la qabto 8-da Jannaayo.

Puntland ayaa bishii May ee sannadkan qabatay doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo laga qabtay in ka badan 30 degmo.

WARARKA