Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Kulan Gaar ah oo Caawa Laga Yeeshay Amaanka Magaalada Muqdisho

Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay howlgallada Xasilinta Caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta Amniga Gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta Cadowga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo Howlgallada Sugida Amniga Caasimadda, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

— DHAMAAD —

WARARKA