Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka dowladda oo howlgal ku dilay Xubno katirsan A S

Axad , October -22- 2023-{HMC} Ciidanka ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo waxa ay ku dileen labo dagaalyahan oo katirsan kooxda Al Shabaab , oo ku sugnaa tuulada Seyladhow.

Saraakiisha ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay heleen xogtan xubnahan katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaa oo ay ku eedeeyeen in dhibaato ku hayeen dadka shacabka.

Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaana gacanta ku dhigay mooto nuuca loo yaqaan Fekon oo ay wateen raggan katirsanaa Al Shabaab ee la dilay iyo sidoo kale hal qoray oo AK47.

Howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ayaa ka socda deegaanno katirsan dalka, waxaana marar badan ciidamada howlgalo qorsheesan ay fuliyeen ku beegsadeen dagaallamayaal katirsan A S.

WARARKA