Arboco , October -18- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si uu diiradda u saaro dardargelinta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ oo wajigiisa labaad dhowaan halkaas ka billaabanaya.
Ilo Xilkas ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo ay wehliyaan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale in ay socdaal ku tegayaan deegaanno katirsan Gobollada Bay & Bakool.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugnaanayo Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo aan ilaa hadda la shaacin kula kulmi doonno Madaxda Dowlad-Goboleedkaas, Saraakiisha Ciidanka ATMIS, Dadka deegaanka iyo xubnaha Federaalka ee deegaannadaas jooga si loo dardargeliyo dagaallada ka dhanka ah ‘AS’.
Waxaa la diyaariyay ciidamo qaarkood dhowraan tababarro ciidan ku qaaday Magaalada Baydhabo kuwaas oo qayb ka noqonaya howlgalka wajiga labaad ee la dagaalanka ‘AS’ sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo uga xog-warramay arrintaan, waxaana lagu biirinayaa ciidamo deegaanka ah & kuwo ay diyaarisay Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Ciidamada Qalabka sida u ballanqaaday in uu waqti kula qaadan doonno furimaha Dagaalka si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo uu sheegay in ay Dowladdu ka go’an tahay.