Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq oo kawada hadlay iskaashiga arrimaha Cadaaladda

Talado , October -17- 2023-{HMC}  Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud oo ku sugan magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaas Khalid Shwani.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee magaalada Baqdaad, ayaa labada Wasiir waxa ay wada hadleen iskaashiga dhanka arrimaha cadaaladda, sharciyada, iyo in la is weydaarsado qibradaha labada dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud ayaa uga warbixiyay wasiirka dadaalada dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida ay uga go’antahay in xooga la saaro kor-u-qaadista daadajinta adeega Cadaaladda iyo kala sareynta sharciga.

Wasiirka Cadaalada dalka ciraaq Khalid Shwani ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlada ahaan ay diyaar u yihiin adkaynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dalka iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim iyo Wasiirka Cadaaladda dalka Ciraaq Khalid Shwani ayaa isla gartay in si wadajir ah la isaga kaashado hormarinta hay’adaha Cadaaladda labada dowladooda.

WARARKA