Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Nairobi

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa yeeshay kulan hordhac u ah Shir Maanta ka furamayo halkaas.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland waxaa looga hadli doonaa sidii deeq-bixiyeyaasha loogu bandhigi lahaa Howlaha hortebinta u leh Dowladda Jubbaland, sida maalgashiga, amniga, ka hortagga aafooyinka sida El-Nino iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kulankan hordhaca ah waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta iyo Kaluumeysiga Jubbaland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Wakiilka Jubbaland ee dalka Kenya, Gudoomiyaha Gobolka Jubbada dhexe, Agaasimeyaal iyo masuuliyiin kale.

WARARKA