Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Dowladda oo hawgallo ka sameeyey deegano ka tirsan gobolka Bokool

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayo ka billaabay degaanka Burujeed oo hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib weerarkii shalay alshabaab ay ku qaaden degaankaasi.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa isku fidiyay degaannada u dhow degaanka Burujeed, sigaar ah degaannada ku teedsan wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu haya mid looga jawaabayo weerarkii Alshabaab ku qaadeen degaanka Burujeed, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay ka xoreyaan degaannada ay weerarada kasoo abaabulaan argagixisada.

Waxa ay shegeen sarakiisha in maalmaha soo socda ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ilaa iyo inta ay la wareegayaan degaannada iyo degmooyinka kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur, Galhareeri, Dac, Barkaan iyo degaannada kale.

WARARKA