Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Cabdiweli Gaas oo Saciid Dani ugu digay in PUNTLAND ay lamid noqoto SOMALILAND

Isniin, October -16- 2023-{HMC}  Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bixiyey wareysi cusub ayaa ka hadlay xaaladda murugsan ee Puntland, gaar ahaan muranka ka taagan doorashada maamulkaasi.

Gaas ayaa ka digay in Puntland lamid noqoto Somaliland, isaga oo tusaale usoo qaatay xaaladda ka jirta maamulkaas ee ka dhalata muddo kororsiga madaxweyne Biixi.

Ninkan oo sidoo kale horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa ka digay in dib loo dhigo doorashadaPuntland, isaga oo sheegay inay tahay arrin laga haboon yahay.

“Hadii ay dhaafto waxa ay noqoneysaa sunno xun oo la jideeyo oo hadhow Saciid Cabdullaahi Deni kan kasii dambeeya ay isticmaalayaan, sida hadda Somaliland ka taagan oo ah in qof uu iska fadhiyo inta waqti ku darsado” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Saciid Deni, wuxuuna ugu baaqay in doorashada dhexda soo dhigo, kadibna uu ku qabto xilligeeda.

“Aniga taladeyda waxaa weeye in doorashadaasi la qabto oo waqtigeedii lagu qabto oo ah sideeda January” ayuu mar kale ku yiri wareysiga laga qaaday.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Garoowe uu ka taagan yahay is mari waa u dhexeeyo xukuumadda Deni iyo mucaaradka Puntland oo dhaq-dhaqaaq ka wada Garoowe.

WARARKA