Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyay dagaal u dhexeeyo AS  iyo ciidamada dowladda oo ka socda duleedka GURICEEL

Axad , October -14- 2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo AS  iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka uu ka socdo agagaarka magaalada Guriceel ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan kooxda AS ay weerar ku qaadeen deegaanka Burujeed oo u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka kadib ayaa waxaa sidaas ku billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada isbaheysanaya iyo xubnaha As ee weerarka soo qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka uga yimid As, isla-markaana ay xubno badan uga dileen deegaanka Burijeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay kusii qul qulayaan ciidamada dheeraad ah, si ula dagaalamaan As weerarka soo qaadeen.

Guriceel iyo agagaarkeeda ayaa waxaa muddooyinkan lagu uruurinayay ciidamo loo diyaarinayay dagaalka As, si u xoreenaa deegaanada Galmudug.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda As, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

WARARKA