Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Saciid Deni oo si rasmi ah U shaaciyay nooc doorasho oo ay diidan yihiin Xubnaha mucaaradka

Sabti , October -14- 2023-{HMC} Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in Puntland u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, taasi oo waqtigaan suurta-galnimadeeda shaki galiyeen mucaaradka, ayna ka horyimaadeen.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doorashada soo socota ee madaxtinimada maamulka Puntland ay ku dhacayso nidaamka qof iyo cod.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hirgelinta hanaanka doorasho ee qof iyo codka ah ee lagu dooranayo madaxda sare ee maamulka uu ka shaqeyn doono guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC.

“Anigoo ah madaxweynihii waxaan ku dhowaaqaya in uu dalku u jiheeystay doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan,” ayuu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo maalmo kahor shir ku qabsadag Garoowe ayaa waxay sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa bayaan ay shirkaas kasoo saareen isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen.

Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin.

Waxay ugu baaqeen Isimidda Puntland in ay “doorkoodii shariifka ah qaataan soona xulaan xubnihii Baarlamaanka sida ugu dhaqsaha badan.”

WARARKA