Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

C/raxmaan C/shakuur oo ka hor yimid talaabo u qaaday Laftagareen

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka Somalia ayaa si kulul uga hadlay talaabadii Xildhibaan Cabdullaahi Aadan {Black} looga hor joogsaday inuu tago magaalada Baydhabo, xili laga dejiyey dayuurad uu la socday oo ka qaadi laheyd Muqdisho.

Xildhibaan Black ayaa la sheegay in laga reebay dayuurad ku sii jeeday Baydhabo si uu uga qeyb galo aaska iyo Janaasada nin ay ehel yihiin oo ku geeriyooday Muqdisho, meydkiisana saarnaa dayuurada si loogu aaso Baydhabo.

Waxaan canbaaraynayaa safarka laga xanibay in uu Baydhabo ku tago Xildhibaan Cabdullaahi Aadan {Black} oo ka mid ahaa xubnihii u tartamay guddoonka Baarlamaanka JFS. Xorriyada safarka wuxuu ka mid yahay xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadinka” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu intaas ku daray in sababihii burburiyey dowladnimada Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen ku xad gudubka xuquuqda muwaadinka.

Ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kali taliska waxay qayb ka ahaayeen sababihii keenay burburka dawladda, haatanna caqabadda ku ah dhismaheeda, mahadhooyinka ay reebtana waxay bulaalisaa argagexisada” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu ku baaqay in DF ay wax ka qabato ficilada noocan ah ee ay ku kacayaan qaar ka mid ah maamulada xubnaha ka ah.

Masuuliyadda xudduudaha waxay saaran tahay dawlada federaalka ah, iyadaana gacan buuxda ku haysa geggida diyaaradaha. Waxaan madaxda qaran ugu baaqayaa in xilkooda ka gutaan masuuliyadda ka saaran arrinkan inta uu bilawga yahay” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Maamulka Koonfur galbeed ayaan ka hadlin illaa hadda sababaha keenay in Xildhibaan Cabdullaahi Aadan {Black} loo diido inuu tago Baydhabo oo uu kaga qeyb geli lahaa aaska aaska nin ay ehelo yihiin.

WARARKA